Nabadoon Caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Kooxo Hubeysan ayaa maanta Nabadoon Caan ahaa ku dilay Xaafadda Carafaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in 3 Nin oo Bastoolado ku hubeysan ay ku dileen Xaafadda Carafaad Nabadoon Cabdi Maxamed Jimcaale ( Cabdi Koreey).

Meesha wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaanno halkaas ay ka sameeyeen tiro dad ah ku soo qab qabtay.

Nabadoonka la dilay ayaa dhawaan dib uga soo laabtay Magaalada Cadaado oo ay ka soconayaan doorashooyinka Aqalka Hoose.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo