Qarax Xoogan oo Ciidamada Puntland lagula eegtay Duleedka Boosaaso

0

Boosaaso (Sh M Network)—Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Qarax khasaaro geystay lagu beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa khasaaro dhimasho iyo mid dhaawacba waxuu u geystay sida la sheegay Ciidamada Maamulka Puntland.

Kolonyada Ciidamada Puntland ayaa Qaraxan waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa Buuraha Galgala iyo Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab ayaa daabacay in Qaraxaasi ay ku dhinteen labo Askari, islamarkaana lagu dhaawacay 11 kale oo ka mid ah Ciidamada Maamulka Puntland.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Puntland oo ku aadan sheegashada Al Shabaab ee ah in Qarax ay ku burburiyeen Kolonyo ay wateen Ciidamada Puntland.

Ugu dambeyn, Ciidamada Maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe isku diyaarinayeen qaadista weerar ka dhan ah Xoogag ka mid ah Ururka Daacish oo ku sugan Degaanka Qandala.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo