Muqdisho ( Sh.M.Network)-Qaar ka mid ah qeybaha Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya Shirkad Cusub oo lagu Magacaabo Sahal Compony oo la sheegay in lacago sharci darro ah ay ka qaadeyso dadka Safarka ah ee ka dhoofaya Garoonka Adan Cade.

Lacagaha Sharci darrada ah ee dadka ka dhoofaya Garoonka Adan Cade laga qaado ayaa la sheegay in looga qaado Adeeg Basas ah oo Kontaroolka KM4 illaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho looga qaado.

Waxa ay sheegeen dadkaan oo qaarkood Shabelle la hadlay in aysan awoodin lacagahaas oo gaareysa qofkii illaa $10 Dollar.

Shacabka ayaa ka door biday intii ay bixin lahaayeen Lacagahaasi Basaska in ay cagtooda maalaan.

Ha yeeshee Shirkadda Sahal ayaa u dhigtay  Kontaroolka dadkaasi ay marayaan marka ay lugeynayaan Ciidamo, ciddi aan wada cadeymo ah in Shirkadda Sahal ay lacag ka soo bixiyeen aysan ka gudbi Karin.

Shirkaddaan ayaa dadka u dhoofaya gudaha Soomaaliya ka qaadeysa illaa 6 Dollar halka kuwa dibadda u dhoofayana ay ka qaadeyso illaa 10 Dollar.

Waxaa la tuhunsan yahay in Shirkaddaasi ay ku lug leeyihiin dad xoog Siyaasadeed ku dhex leh dowladda Xasan Sheekh.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here