Shirkadda Sahal oo bilowday Beegsiga Taksiilayaashii Garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Shirkadda Sahal ee ka howl bilowday inta u dhexeysa Km4, iyo Garoonka Aadan Cadde ayaa ka tagri fal xoog leh kula kacday Darawalada Taksiilayaasha ah ee ka howlgali jiray  Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Taksiilayaashaas oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in Shirkadan ay si u boos xaarato ay u isticmaashay Ciidamo kuwa dowladda Federaalka ka tirsan oo jir dil  ugu sameeyeen hubka ay siteen .

Darawalkaan Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu isweydiinayo in Shirkad qaas ah oo hanaan u u Muuqata Isbaaro sharciyeesan dadka hanti uga abuuraneysa loo gacmo qabtay taasina ay shaki ku beertay in iyagu aysan ahayn muwaadiniin Soomaaliyeed ee xag u leh in dalkooda ay ka xamaashaan.

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa cadeeyay in si sharci darro ah dhulal dad shacab ah si aan sharci ahayn looga kiciyay uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir siiyay shirkaddaas Sahal.

Waxaana uu Hanti dhowrku qiray in dhulalkaasi la siiyay shirkad shacabka Soomaaliyeed boobeysa oo uu ula jeeday Sahal.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in dhulka Sahal ay Isbaarada ugu dhigatay shacabka Soomaaliya ee ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde dadka iska leh uu ka mid yahay Saciid Siyaad Shirwac oo ah Muwaadin Soomaaliya oo xaq darro dhulkiisa oo uu u heysyo docomentiyo Rasmi ah looga boobay , haatana ay isbaaro dadka lacago baad ah ay uga qaadato ka sameysatay Shirkadda Sahal oo la tuhunsan yahay in ay wax ka leeyihiin Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hanti dhowrka ayaa qiray in shacabkii laha dhulalka u dhexeeya Km4 iyo Garoonka Aadan Cadde loo sheegay in dan guud loo adeegsanayo dhalalkooda balse dan shaqsi haatan loo isticmaalayo taas oo ka baxsan shuruucda dowladeed.

Hadaba waa wax aan  horay loo arag shirkad qaas loo leeyahay oo jid hooyo  har cad soo dhigatay Faras Magaalaha Muqdisho weliba wadada ugu Muhiimsan ee ay isticmaalaan Madaxda qaranka, shacabka iyo Martid Caalamiga  ah adeegsadaan , doladduna ay ku maamuustay dhulakii shacabka ee ay leeyihiin Muwaadiniin uu ka mid yahay Saciid Siyaad Shirwac oo maanta caruurtooda banaanka ay dhaxantu ku dilootay.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo