Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Dadban oo gaaray Magaalada Jowhar

0

Jowhar ( Sh. M. Network)-Guddoomiyiha Doorashooyinka Dadban Cumar Dhageey iyo Wafdi uu horkacayo ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Masuuliyiinta ayaa u kuur galaya Doorashada Aqalka Sare oo Saacadaha soo socda ka billaabaneysa Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa muran uu ka taagnaa Liiska Musharrixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Hirshabelle.

Hirshabelle ayaa ah maamulkii ugu dambeeyay ee qeyb ka ah mamaul Goboleedyada Soomaaliyeed.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo