Al Shabaab oo sheegay in weeraro kala duwan ay la beegsadeen Ciidamo Kenyan ah

0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in weeraro is xig xigay oo Saacadihii la soo dhaafay ay ka kala  fuliyeen Gobollada Gedo iyo Waqooyi Bari ee dalka Kenya ay ku dileen Askar ka tirsanaa Ciidamada Kenya.

Meelaha weeraradani ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyadoo Al Shabaab sheegeen in Qarax Miino oo ay la beegsadeen Gari ay la socdeen Ciidamo Kenyan ah oo marayay halkaasi.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa soo warisay in Gaariga la weeraray uu ku basbeelay Qaraxooda ayna gubteen dhammaan sahaydii saarneed sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in weerar ay ka fuliyeen Gobolka Waqooyi Bari ee  dalka Kenya ay ku dileen Askar badan oo Kenyan ah.

Weerarka ay ka fuliyeen Al Shabaab Gobolka Waqooyi Bari ayaa ka dhacay degmada Gaarisa ee Gobolkaasi.

Al Shabaab ayaa deegaan lagu Magacaabo Galmagaalo wadada ugu galay Kolonyo Ciidamo Kenyan ah halkaas oo Qarax Miino ay kula eegteen.

Mid ka mid ah Kolonyadaas ayaa la xaqiijiyay in ay ku basbeeshay kaas oo ahaa Gaari nuuca loo yaqaan Beebaha.

Gaariga Beebaha la gubay ayaa Al Shabaab sheegeen in ay ku dhinteen illaa 5 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya.

Ma jiro wax war ah oo Ciidamada Kenya ay ka soo saareen sheegashada Al Shabaab ee ku aadan weerarada Askarta kala duwan la sheegay in looga dilay.

Al Shabaab ayaa sii xoojiyay weeraradooda ay ka geystaan gudaha waddanka Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo