Al Shabaab oo weerar khasaaro geystay ku qaaday Gaari Khaad geeyay Garbahaarey

0

Garbahaareey (Sh M Network)—Wararka laga helayo Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay Weerar dhabo gal ah oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaadeen Gaari Khaad ka soo qaaday Degmada Luuq ee Gobolkaasi.

Gaarigan oo khaad ka soo qaaday Degmada Luuqa ayaa waxuu geeyay Magaalada Garbahaareey, waxaana lagu rasaaseeyay sida la tilmaamay Degaanka Kubo-Faatax xili uu ku sii jeeday Degmada Luuq markii uu ka soo laabtay Xarunta Gobolka Gedo.

Degaanka Kabo-Faatax ayaa qiyaas ahaan 45Km waxuu u jiraa Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Goobjooge magaciisa iyo codkiisa diiday in warbaahinta loo adeegsaday ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in rasaastaasi uu ku dhintay hal Ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 3 kale oo Gaarigaasi la socday.

Xoogaga Al Shabaab ayaa sidoo kale horey u ka xeystay Gaarigii Khaadka geeyay Magaalada Garbahaareey, sida Wariye madaxbanaan uu u sheegay Idaacadda Shabelle.

Weerarkan lagu qaaday Gaariga ayaa waxuu daba socdaan amar dhawaan ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in Khaadka aan lagu isticmaali karin Degaanada Gobolka Gedo.

Muddooyinkii dambe Xoogaga Al Shabaab ayaa Dadkii lagu hela ka ganacsiga ama istimaalida Khaadka waxey ganaax ahaan uga qaadayeen lacag dhan kun iyo Shan boqol oo doolar ($1,500), sida Dadka Degaanka ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo oo ku aadan amarada Al Shabaab iyo Weerarkan khasaaraha geystay oo lagu qaaday Gaadiidkii Khaadka geeyay Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo