Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay hub lagu qariyay Magaalada Gaarisa

0

Gaarisa (Sh M Network)—Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay hub ku aasnaa Degaan hoostaga Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Hubkan ayaa Ciidamada waxey ka heleen Degaan lagu magcaabo Buulo-Sagare, waxaana socdo howlgallo baaritaano ah oo ku aadan in la ogaado shaqsiyaadka halkaasi ku qiriyay.

Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi Bari, Maxamuud Saalax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxuu sheegay in hubkan haatan ay gacanta ku hayaan Booliska Magaalada Gaarisa.

Waxaa Mas’uulkan uu qeexay in  la haanshaha hubkaasi ay uga shakisan yihiin Xarakada Al Shabaab, maadaama buu yiri mararka qaarkood halkaasi ay ka fuliyeen weeraro gaadmo ah.

Howlgalka lagu qabtay hubkan ayaa waxuu imaanayaa xili Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya ay ka digayaan in weeraro qorsheysan ay ka dhacaan qeybo ka mid ah Dalkaasi.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo