Muqdisho (Sh M Network)— Ciidamada Nabad Sugida ee Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo baaritaano ah ku qaaday Garaashka Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo ku yaalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Garaashkan ayaa Ciidamada Nabad Sugida waxey uga shakiyeen in uu yaallo Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada ayaa baaritaan ku wada Gaariga la sheegay in uu dhex yaallo Garaashkaasi.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sidoo kale Xalay howlgallo ku qaaday Garaashkan.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Wadajir oo ku aadan howlgalladan.

Dhawaan ayee aheyd markii Ciidamada Nabad Sugida ay la wareegeen gacan ku heynta Garaash ku yaalla Black sea oo laga soo abaabulay Qaraxii khasaaraha geystay ee ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here