Waajid (Sh M Network)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerar Ciidamada Dowlada ay ku qaadeen baro Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowlada ay weerar ku qaadeen fariisimo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Dhuraay ee Duleedka Degmada Waajid.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxuu sheegay in Dagaalkaasi ay qadaan uu dhaawac ka soo gaaray ilaa 3 Askari oo ka mid ah Ciidamada Dowladda.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in Dagaalka ka dhacay Duleedka Waajid ay ku Dileen ugu yaraan 11 ka mid ahaa Ciidamada Dowladda.

Ugu dambeyn, Xarakada ayaa sidoo kale qeexay in 9 qori ay ka qabsadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here