Jalalaqsi ( Sh.M.Network)- Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa u suura gashay in ay qadka Taleefanka ku haleesho Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow oo maanta kolonyo uu la socday lagu weeraray inta u dhexeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi.

Guddoomiyaha jalalaqsi ayaa beeniyay weerar sheegayay in uu ku dhaawacmay weerarkaasi lala beegsaday Kolonyada uu la socday.

Sida uu sheegay Guddoomiyuhu sheegay is rasaaseyn ilaaladiisa iyo Al Shabaab dhexmaray ayaa waxaa ku dhintay 2  dagaalyahan oo ka tirsanaa  Al Shabaab iyo mid ka mid ah ilaaladiisa sida uu hadalka u dhigay.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Deegaan lagu Magacaabo Ceelbaraf  oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halkaan ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here