Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo sheegay in Abtidoon uu si sharci ah ku soo baxay

0

Cadaado (Sh M Network)—Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Maamul Goboleed gaar ahaan Galmudug ayaa ka soo horjeestay Go’aan lagu laalayo doorasho dhawaan ka dhacday Magaalada Cadaado.

Doorashadaasi ayaa waxaa ku guuleystay Mudane Maxamed Axmed Abtidoon,iyadoo la sheegay in ay u qabsoontay doorashda uu ku soo baxay Abtidoon Hanaan Xor iyo Cadaalad ah.

Warar ay heleyso Shabelle ayaa sheegaya in iyadoo qaab hufnaan ah ay u qabsoontay doorashadaasi ayaa waxaa jira shaqsiyaad suurad xumeynaya doorashadaasi si ay ugu boos xaaraan dad looga adkaaday doorashada marrkii ay qabsoontay.

Hadaba Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo arrimahaas oo dhan la socda ayaa soo saaray Go’aan uu ku cadeynayo Hufnaanta Doorashada hoos ka aqriso.

—————-

Ku. Guddoomiyaha Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban

Og. Guddiga doorashada ee Dowlad-Goboleedka Galmudug

Og. Madaxeynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug

Ujeeddo: Go’aanka GFHDD ee 30ka November

Mudane Guddoomiye ASC,

Annaga oo tixraaceyna warqaddii ka soo baxday Xaafiiska Guddoomiyaha GFHDD taariikhdu markey aheyd 30 Nov, 2016 kuna saabsaneyd go’aan horudhac  ah    oo  laga  gaaray  kursi  lagu  doortay  deegaan  doorashada Cadaado isla 30kii Nofember; waxaan dooneynaa inaan idinla wadaagno arrimahan hoose:

  1. Wakiillada Guddiga   GFHDD   ee   ku   sugan   deegaan   doorashada GalMudug  waxay  ku  howlanyihiin  kormeeridda  iyo  toosinta doorashada, turxaan bixinta hannaanka, ilaalinta qoondada haweenka, hubinta habraaca doorashada, ku dhawaaqidda natiijada horudhaca ah ee doorashada iyo shaqooyinka kale ee guddiga loo igmaday. Illaa iyo hadda  ma  hayno  dalab  qoraal  ama  isgaarsiin  ah  oo  Guddoonka Guddigu nagu weydiinayo faahfaahin la xariirta kursiga la tilmaamay si loo helo wadiiqo go’aan lagu qaato.
  1. Sida ku cad qodobka 9aad ee waajibaadka Guddiga GFHDD, shirarka guddiga waxay ku dhici karaan soo xaadiridda ugu yaraan 15 xubnood, go’aankuna waa cod hal dheeri ah.
  1. Waxaa markasta taagnaa Kuraas dhowr ah oo kursigan Saleemaan ka mid yahay oo ay ku hareereysnaayeen duruufo adag oo kala duwan oo aan idinla wadaagnay,  arrimahaas  oo  qaarna  xal  laga  gaaray  27

November, kuwa kalena ay weli taagan yihiin.

Caddeyn

  1. Waxaan idiin caddeyneynaa inaan si adag uga xunnahay in waqti sidaa u kooban la  soo  saaro  go’aan  aan  waafaqsanayn  hab-dhaqanka Guddiga u degsan, go’aankaas oo halis gelin kara midnimada doorashada iyo dhismaha Guddiga GFHDD. Sida ku cad xeer- hoosaadka Guddiga go’aanada GFHDD wuxuu ku imaanayaa in marka hore la is qanciyo, ugu dambayna cod la qaado.
  1. Waxaan hubnaa in doorashada Kursiga Gaabane Saleemaan loo maray dariiq sax ah oo ku qotoma shuruucda doorashada iyo xaaladda deegaan doorashada Cadaado.
  1. Guddiga Doorashada ee GDGDD iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug waxay weli ku taagan yihiin go’aannadii Madasha MHQ ee tilmaamayey in la ilaaliyo Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka oo dhan 30%.
  2. Waxaan baqdin weyn ka qabnaa in aan ujeeddadu ahayn in qoondo haween la xaqiijiyo ee la doonayo in la beegsado shaqsiyaad gaar ah iyo Qabiillo gooni ah.

Talo-jeedin

  1. Waxaan ku talineynaa   inla   joojiyo   ku   dhawaaqidda   go’aanno xamaasadeysan oo aan la dhammeystirin dariiqii ay ku noqon lahaayeen   go’aanno   rasmi   ah,   taasoo   keeni   doonta   burbur shaqadeenna wanaagsan ee ummada loo hayo ku yimaada.
  1. Waa in la furo baaritaan ay ka qeyb yihiin dhammaan dhinacyada shaqada iyo go’aanka kiiskani quseeyo si loo helo dhegeysi buuxa oo nagu haga go’aan rasmi ah.

Bogaadin

  1. Waxaan  dhammaantiin     idinku     bogaadineynaa     howsha wanaagsan   ee   aad   qaranka   u   haysaan   annagoo   qabsaneyna doorashadii ugu ballaarneyd muddo 50 sano ah, iyadoo dalkeennu la

ildaran yahay kala qoqobnaan baahsan, aqoonyari doorasho iyo heerka amniga oo hooseeya.

Sidaa iyo wadashaqeyn wacan.

Yasiin Cabdi Jama                                      Abdullahi Salad Yarow

Xoghayaha GFHDD                                Qorsheynta iyo Howlgelinta GFHDD December 1, 2016

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo