Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo la dhaawacay

0

Jalalaqsi ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhaawacmay weerar Kolonyo uu la socday lagula qaaday inta u dhexeysa Degmooyinka jalalaqsi iyo Jowhar.

Maxamed Cabdulle Fiidow Guddoomiyaha Jalalaqsi ayaa la sheegay in Kolonyadiisa saaka ay ka ambabaxeen Magaalada Jowhar  xilli ay ku sii jeedeen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Lama soo warin dhaawaca Guddoomiyaha soo gaaray nuuciisa iyo cidda ka dambeysay weerarka dhabo galka ah ee lagu qaaday kolonyadiisa.

Balse Al Shabaab ayaa looga bartay weerarada nuucaasi ah walow aanu jirin weli wax war ah oo ay soo saareen.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo