Kenya oo 4 bilood ku soo afjareysa dhismaha darbiga Xadka Kenya & Somalia

0

Mandeera (Sh M Network)—Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in balaha soo socdo ay ku soo afjari doonto dhismaha darbiga lagu kala xadeynayo Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, si loo xaqiijiyo amaanka Dalkaasi.

Sareeye-Gaas, K.T. Chepkuto oo ka mid ah Saraakiisha sare ee Ciidamada Dowladda Kenya, ayaa waxuu sheegay darbiga dhirirkiisu yahay 30-ka Km in ay ku dhameystiro doonaan Afarta billood ee soo socota.

K.T. Chepkuto ayaa waxuu xusay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka yihiin kuwa suga amaanka inta uu socdo dhismaha darbigaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Mandeera, Cali Roba ayaa soo dhaweeyay horumaro uu tilmaamay in laga sameeyay dhismaha darbiga lagu kala xadeynayo Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhismahan darbigan ayaa waxaa ka soo horjeeda Maamulka iyo Shacabka Magaalada Baladxaawo, kuwaasi oo u arka darbigan in ay qabad ku noqoneysa isaga kala goosha Degaanada ku dhow Xadka.

Tan iyo markii uu dhacay Weerarkii xooganaa ee lagu qaaday Jaamacadda Magaalada Gaarisa Dowladda Kenya waxey go’aamisay in la dhiso darbigaasi islamarkaana la xiro Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo