Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmudug oo lagu eedeeyay in ay Masuul ka yihiin Colaadda Gaalkacyo

0

Gaalkacyo ( Sh.M.Network)-Iyadoo ay  soo noq noqoneysay Colaadda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug una dhexeysay Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa arrimahaasi ugu wacan ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay hurinta Colaadaha ka aloosan deegaanada Mudug ay ka dambeeyaan Madaxda ugu sareyso Maamullada Puntland iyo Galmudug.

“ Hoggaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug hadda Hormuudka ka ah dhaliisha ugu horreysa iyagaa iska leh iyagaana xal u waayay in umadda ay Hoggaamiyaan oo mudada dheer nabad ku wada noolaa in ay heshiis kala dhex dhigaan” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey.

Waxaana uu ku baaqay in shacabka Gaalkacyo ka gudbaan arrimaha ku aadan Qabyaalada si ay ugu wada noolaadaan ka wada shaqeynta Nabadda iyo is dhex galka.

Shalay ayaa mar kale Magaalada Gaalkacyo waxaa laga Maqlay Madaafiic qaarkood  ku hoobteen goobo Waxbarasho.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo