Garoowe (Sh M Network)—Janaraal Muxudiin Axmed Muuse, Taliyaha la dagaalanka Argagixisada ee Maamulka Puntland, ayaa waxuu sheegay in maxiibiista Al Shabaab laga sii daayo Xabsiyada Degaanada Maamulkaasi.

Taliye Muxudiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxuu shaaca ka qaaday in maxaabiis badan oo Al Shabaab ah laga sii daayay xabsiyada ku yaalla Magaalada Garoowe.

Waxuu sheegay in Maxkamada darajada 1-aad markii ay xukunto maxaabiistaas ay racfaan ka qaataan xukunadooda, taasina ay keentay in xabsiyada laga sii daayo.

Janaraal Muxudiin Axmed Muuse, ayaa ugu baaqay garsoorka Maamulka Puntland in uu dib u eegis ku sameeyo arimahaasi.

Inta badan, xabsiyada Degaanada Maamulka Puntland waxaa ku jira maxaabiis badan oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here