Minneapolis (Sh M Network)—Maxkamadan oo ku taalla Dalka Mareykanka ayaa xukunka u qafiifisay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xamza Axmed oo dhawaan lagu xukumay 15 Sano oo Xabsi ah.

Xamza Axmed ayaa xukunkiisa haaatan laga dhigay 10 Sano, iyadoona Ninkan uu ka mid ahaa 9 Ruux oo Soomaali-Mareykanka ah, kuwaasi oo qorsheynayay in ay ku biiraan Kooxda Daacish.

Saaxiibada Xamza ayaa sidoo kale xukuno kala duwan lagu riday, maadaama ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay.

Hay’adda Sirdoonka Dalka Mareykanka ayaa aaminsan in Soomaali badan oo ku sugnaa Gobolka Minnesota in ay u safreen Dalka Syria, si ay uga barbar Dagaalamaan Kooxda Daacish.

Ugu dambeyn, FBI-da Mareykanka ayaa sidoo kale shaacisay in ay jiraan kuwa kale oo ku soo laabtay Dalka Soomaaliya, islamarkaana ka mid noqday Xarakada Al Shabaab.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here