Warbixin:Dulqaadka Shacabka Soomaaliyeed iyo Masuuliyad Darrada Madaxda Dalka

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii oo dadka Soomaaliyeed gacmahooda ay ku burburiyeen Heybadii Dowladeed ee Soomaaliya shacabka ayaa garowsaday dulqaad iyo samir in ay u yeeshaan qaladaadka ay galayaan shaqsiyaadka majaraha u haya Hab nidaamka dowladeed.

Kadib  bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu hormuudka u ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre dalka ayaan nasiib u helin Xasilooni , Nabad gelyo iyo mid siyaasadeed oo wada jira.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwa u biseelay nabadda iyo horumarka islamarkaana aanu u heelaneen qalalalasaha dalkooda in ay hormuud ka noqdaan.

Balse waxaa waxa ay indheer garadku qabaan in ay wax ma garad kuwa u muuqda ay noqdeen Masuuliyiintii kala duwanaa ee dalka hadba isku bed bedelayay talada dalka, oo midba kan kale la is oran karo waxa uu kaga badiyay ama kaga dheereeyay, wax qabad xumo, Musuqmaasuq, iyo ku tagri falka awooda dowladda oo dad badan isweydiinayaan in Masuuliyiintu ay ka hoos baxsan tahay in Masuuliyadda ay hayaan leeyihiin  shacabka ay ugu tagri falayaan.

Waxaa garaadku la yaaban yahay Masuuliyiinta inta ay talada haayan Hantida qaranka u keedsada in marka la gaaro kala guurka sida doorashooyinka hadda socda Masuuliyadda Shacabka ku kala beec mushtaraan taaso Rajo beel sii gelisay umadda Soomaaliyeed

In Masuulku iibsado Kursiga ayaa waxaa loo arkaa hanaan marag ma doonto ka dhigeyso in uusan wax Kalsooni ah ku qabin umaddiisa haddii la qabto doorasho xor iyo Cadaaalad ku dhisan oo ay kula loolamaan shaqsiyaad kale.

Taasina waxa baday ayaa la is dhihi karaa intii uu xasaanada lahaa oo uusan uga faa’ideyn umadda islamarkaana wax berri ay isaga ku door bidi karaan aanu meel dhigan, hayeeshee uu fusahaday inta Masuuliyadda umadda ku taamayay danahiisa gaarka ah.

 

 

 

Soomaaliya ayaa sida waxa loo yaqaan Caado wax loo leeyahay oo kale mar kasta loogu wan qalaa in ay tahay dalka ugu Musuqmaasuqa badan dunida halka dalalka kale marba in ay wax un ka soo kabsadaan lambarkii ay horay uga joogeen Musuqmaasuqa Caalamka  ku fikiraan sanadka kale.

Waxaa mar weliba la Musuqmaasuqo waa Hantida dadweynaha oo isugu jirta Masuuliyadda, arrimaha danta guud ee shaqooyinka, dowladda , hantida Qaranka iyo Miisaaniyadda dowladda oo dhammaan shacabku leeyihiin.

Hadaba Shacabka Soomaaliyeed oo 5-jirkooda illaa Sheybkoodu ka war hayo sida loogu tagri falayo Milkiyadahoodaaas ayaa mar weliba goconaya saameynta  xun ee ay ku reebtay Heybadii Qaran ee Gacmahooda ay ku hantaaturiyeen, cashirradii ay ka qaateenna badeen Samirka ay indhaha un uga eeganayaan hab dhaqanka aan Masuuliyadda ku dhisneen ee Madaxdu ugu kor ciyaarayaan waxa loo dhiibtay ee Masuuliyad iyo Hantiba leh.

Sidaas daraadeed waxaa is weydiin Mudan Madaxdeennu hadmeey ku waana qaadan doonaan sida shacabkuba ugu waana qaateen wixii ay sameeyeen sanadku markii uu ahaa 1991-kii.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo