Waxgaradka Gobolka Mudug oo ka walaacsan in Dagaal uu ka qarxo Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Sh M Network)—Sheekh Cabdi Weli Xasan Maxamed oo ka mid ah Culimada ku sugan Gobolka Mudug ayaa sheegaya shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ay ka baqdin qabaan in markale uu halkaasi ka qarxo Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudud.

Sheekh Cabdi Weli oo wareysi siinayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in xiliyada habeenkii Magaalada laga maqlo rasaas xoogan, taasi oo la ogeyn cidda ay u dhaxeysa balse walwal ku abuurtay Shacabka halkaasi ku sugan.

Dhinaca kale, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Sheekh Cabdi Weli waxuu qeexay in walaaltinimo soo jireyn ah ay ka dhaxeysa shacabka labada Maamul, Madaxdana looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan rabitaanka shacabkooda, si markale dhiig uusan ugu daadan Magaalada Gaalkacyo.

Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa laga maqlayay daryanka rasaasta iyo madaafiic xoogan oo la tilmaamo in ay isku ridaan Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo