Xildhibaan Cabdullaahi Goodax oo ka guuleystay Musharrax ay taageereysay Villa Soomaaliya

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa mar kale maanta ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka kadib doorasho xiiso leh oo maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Mudane Cabdullaahi Goodax ayaa helay codad dhan 38 cod kadib loolan adag oo uu la galay Musharrax kale oo la sheegay in gadaal ay ka riixeysay Villa Soomaaliya.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada ugu saameynta badnaa Baarlamaankii waqtigoodu dhamaaday.

Waxaana si weyn siyaasad ahaan isaga soo hor jeedeen Madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale u taagan doorashada Madaxtinimo ee soo socota.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo