Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda Puntland oo 24 saac loo qabtay in ay uga baxaan Muqdisho

0

Garoowe (Sh M Network)—Maamulka Puntland ayaa Wasiirada iyo Xildhibaanada u matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey ku amreen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga soo baxaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Xildhibanada iyo Wasiirka ka soo jeeda Degaanada Puntland looga baahan yahay in 24 saac gudahood ay uga soo baxaan Magaalada Muqdisho.

Mr. Cameey oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Dowladda Somalia in ku takrifal ay ku sameysay Maamulka Puntland, islamarkaana Xubno Aqalka Sare ah oo ay leyd Maamulka Puntland ay Dowlada siisay Somaliland.

Sikastaba, Maamulka Puntland ayaa dhaliilay qoondada ay ku leeyihiin Xubnaha Aqalka Hoose iyo kan Aqalka Sare kadib markii ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay Somaliland siisay qoondo aysan xaq u la heyn.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo