Al Shabaab oo Rasaas ku furay Gaari Khaad siday oo marayay Duleedka Mhadaay

0

Mahaday (Sh M Network)—Wararka laga helayo Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay rasaas ku fureen Gaari Khaad siday oo marayay Degaanka Waraxleey ee Gobolkaasi.

Gaarigan ayaa waxuu Khaad ka ka soo qaaday  Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe, Dadka Degaanka ay u sheegeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Rasaastan oo Xoogaga Al Shabaab ay ku fureen Gaarigan Khaadka siday ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 4 Ruux oo Gaariga la socday, sida goobjooge uu sheegay.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Al Shabaab oo ku aadan rasaasta la sheegay in ay ku huwiyeen Gaarigaasi.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo