Baarlamaanka Cusub ee Gobollada Dhexe oo Guddoonkooda Sare Doortay

0

Dhuusamareeb ( Sh.M.Network)-Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Gobollada Dhexe oo ka kooban 65 Mudane ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay Kalfadhigoodii ugu horreeyay.

Mudnayaasha Maamulka Gobollada Dhexe ayaa halkaas waxa ay ku doorteen GuddomiyahaBaarlamaanka Maamulkaasi iyo ku xigeenadiisa.

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Gobollada Dhexe ayaa waxaa ka mid ah illaa 10 Haween ah.

Maamulka Gobollada Dhexe ayaa ka soo horjeeda Maamulka Galmudug oo Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka taageero ka heysta.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo