Beesha Akisho oo ugu baaqday Madaxda DFS iyo Beesha Caalamka wax ka qabashada xaq boob lagu sameeyay

0

Muqdisho (Sh M Network)—Waxgarad , Culumaa’udiin , Dhalinyaro, Aqoonyahanno , Siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee Bulshada ee iyagu ka soo jeeda Beelweynta Akishe oo  iyagoo ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadda kulan ballaaran qaatay ayaa waxa ay soo saareen go’aan ku aadan in aysan ka tanaasuli doonin Xuquuqda ay ku leeyihiin  Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in mid ka mid ka mid ah Beelaha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ay gacan bidixeysay.

Nabadoon Maxamed Amiin Sheekh Axmed Abwaan Siigaale oo ka warbixinayay warsaxaafadeed beesha ay soo saareen ayaa sheegay in dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Beelweynta Akishe oo ah Curudka Beelaha Direed ay isku raaceen in geed dheer iyo mid gaaban loo fuulo soo dhicinta Xuquuqaha Beelweyntaasi Akisho ee ay ku leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Abwaan Siigaale ayaa nasiib darro waxa uu ku tilmaamay in Jufooyinka kale ee Beelaha Direed qeybta ka ah ay  sheeda ka eegtaan Xaq boobka Beesha Isaaq ku duudsiineyso Xuquuqda Beesha Akisho  maadaama Kuraastii Aqalka Hoose iyo kuwa Aqalka sare ay isku wada darsatay.

Sidoo kale Nabadoon Maxamed Amiin Sheekh Axmed oo ku Magac dheer Abwaan Siigaale ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka ee hadda la doortay in ay soo fara geliyaan xaq duudsiinta ka dhanka ah Beelweynta Akishe ,waxaana uu dhammaan Umadda Soomaaliyeed ee samadoonka uu ka rajeeyay in ay soo fara gelin doonaan Xaq boobka beesha Akisho ka soo food saaray mid ka mid ah Beelaha ay wada dagaan Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Beelweynta Akisho oo ah Curadka Beelaha Direed ayaa sheegtay in wax xubno ah aysan ka helin Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Halka taas bedelkeeda Mid ka mid ah beelaha dega Gobollada Waqooyi gaar ahaan Beesha Isaaq ay sheegeen ay uruursatay ku dhawaad 30 Kursi oo labada aqal ah taas oo ka dhigan cadaalad darro baahsan

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo