Beesha Caalamka oo si kulul u Cambaareysay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Dowladda Britain ayaa si isku mid ah u cambaareeyay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Hoteelka Dayax oo ku yaalla Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Safiirka Dowladda Britain u fadhiya Dalka Soomaaliya, David Concar  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii lagu beegsaday Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa tacsi u diray ehelada iyo Asxaabta Dadkooda ku waayay weerarkaasi oo ku tilmaamay mid waxuushnimo.

Sidoo kale, Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Veronique Lorenzo ayaa shaaca ka qaaday in ay ka argagaxday Qaraxyadaasi.

Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Dayax.

Sikastaba Weerarkan oo Mas’uuliyadiisa ay sheegteen Xarakada Al Shabaab ayaa waxuu noqonayaa kii labaad oo ka dhaca bishan gudaheed Magaalada Muqdisho.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo