Dagaal Beeleed dib uga qarxay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

0

Caabudwaaq (Sh M Network)—Iyadoo Shalay uu Dagaal beeleed uu ka qarxay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo ka tirsan Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxuu sheegay in Maamul la’aan ka jirta Degmada Caabudwaaq awgeed uu u soo laab laabtay Dagaalkaasi.

Mudane Bile oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Maamulka Galmudug uusan xil iska saarin colaadan ka taagan Magaalada Caabudwaaq ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

Dagaalkan ka dhacay Magaalada Caabudwaaq ayaa sida la sheegay waxuu salka ku hayaa anooyin qabiil oo ku aadan Nin halkaasi Shalay lagu Dilay.

Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa inta badan waxaa ka dhaca Dagaal Beeleedyo geysta khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo