Ex-Xildhibaan Xaaf oo eedeyn kulul u jeediyay Guddoomiye Jawaari

0

Muqdisho (Sh M Network)—Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ex-Xildhibaan Axmed Ducaale Xaaf oo ka tirsanaa Mudaneyaasha Baarlamaankii hore ayaa waxuu eedeyn kulul u jeediyay Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mr. Xaaf ayaa waxyaabaha uu ku eedeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa ka mid ah in uu ogolaaday shaqada Shirkada Favori oo shaqadeeda ay cod gacan-taag ah ku diideen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Waxaa sidoo kale uu dusha kaga tuuray Guddoomiye Jawaari in uu dhex dhexaad ka noqday mooshin Xildhibaanada Baarlamaankii hore ay ka soo gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ex- Xildhibaan Axmed Ducaale Xaaf ayaa shaaca ka qaday in Jawaari uu hareer maray qodobo dastuur ah oo Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka soo horjeesteen.

Sikastaba, Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka 10-aad ayaa lagu dhaliilay in hogaanka Baarlamaanka uu u gacan geliyay Shirka Madasha Hogaanka Qaran.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo