Cadaado ( Sh.M.Network)-Kulankaan oo ahaa mid lagu taageerayay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa Wasiiro iyo Xildhibaanno Maamulkaasi ka tirsan ku yeesheen Magaalada  Cadaado.

Xubnaha labada Gole ee Maamulkaas ka tirsan ee Kulankaasi ka qeyb galay ayaa bogaadiyay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Galmudug Cabdiraxmaan Cismaan Seyruuq ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu ku fashilmay howlihii loo igmaday in uu ku hoggaamiyo Maamulka Galmudug.

Waxaana uu mesha ka saaray Mr Seyruuq in ay jiraan wax la taaban karo oo Maamulka Galmudug u qabtay Bulshadiisa.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Galmudug Cabdiraxmaan Cismaan Seyruuq in Masuuliyiinta Maamulka Galmudug aysan lahayn Xafiisyo ay ugu adeegaan Bulshadooda.

Si kastaba Galmudug ayaa tan iyo markii la Magacaabay u muuqda in uu yahay Mid fadhiid ah oo buuxin waayay howlihii loo igmaday.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here