Kismayo (Sh M Network)—Taliska Mareykanka uu leeyahay Qaarada Africa (AFRICOM) ayaa waxuu ka warbixiyay Weerar Diyaaradahooda Dagaalka ay ka fuliyeen Degaan dhaca Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Weerarkan ayaa Diyaaradaha Mareykanka waxey ka fuliyeen Degaanka Buulo-Gaduud ee Duleedka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku tilmaameen meel ay ku xoogan yihiin Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa waxuu qeexay in duqeyntaasi Diyaaradeed lagu caawinayay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, oo halkaasi ka waday howlgallo ka dhan ah Al Shabaaab.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxey ku sheegeen in uu daba socday howlgallo lagu qaaday xarumo lagu tababaro Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo.

Qoraalka Taliska weli laguma xusin hadii khasaaro dhimasho weerarka laguu gaarsiiyay Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, dhawaan ayee aheyd markii Xarakada Al Shabaab ay sheegeen in ay iska caabiyeen weerar ay xarumahooda ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here