Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo mar kale ku guuleystay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Tartanka loogu jiro maanta uu si rasmi ah uga dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mudane Jawaari oo mar kale ku guuleystay Doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa helay codad dhan 142 cod halka Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ku xigayna uu helay Codad gaaraya illaa 97 cod.

Sidaas daraadeed waxaa si rasmi ah loo shaaciyay In Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Afarta sano ee soo socota uu noqon doono Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo