Muqdisho ( Sh.M.Network)-Musharrax Maxamed Cali Ameeriko ayaa soo dhaweeyay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Xildhibaanada ay  maanta codkooda Kalsoonida ugu doorteen mar kale Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mr Ameeriko ayaa tallaabo horay loo qaaday ku tilmaamay doorashadii maanta oo uu sheegay in si hufan ay uga dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

“ Hambalyo diiran ayaan la wadaagayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo helay Codka Kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaana rajeynayaa in uu noqdo mid si habsami leh u guta howlaha Qaran ee loo Igmaday” ayuu yiri Musharrax Maxamed Cali Ameeriko.

Msharrax Maxamed Cali Ameeriko ayaa noqonaya Musharrixii ugu horreeyay ee soo dhaweeya Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here