Washington (Sh M Network)—Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Muwaadiniintooda in ay safraan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya oo ku jira marxalad kala guur ah.

Waaxda Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Muwaadiniinta Mareykanka looga baahan yahay ka warqabka weerarada iyo afduubka Xarakada Al Shabaab.

Qoraalkan ayaa lagu xusay in awooda Al Shabaab ay weli muuqato, islamarkaana ay wadaan weerarada ka dhanka ah Xarumaha Dowlada iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Bayaanka ka soo baxay Waaxda Arimaha Dibadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in khatarta Al Shabaab ay sidoo kale ka muuqato Degaanada hoostaga Maamulad Puntland iyo Somaliland.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay diiwaan geliyeen 14 Weerar, kuwaasi oo lagu qaaday hoteello, Maqaaxido iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Hadalka Mareykanka ayaa waxuu imaanayaa Xili dhawaan Xarakada Al Shabaab ay shaaciyeen in ay weeraro ka fulin doonaan goobaha lagu qabanayo doorashooyinka Dalka.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here