Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo maalintii 2-aad xiran

0

Muqdisho (Sh M Network)—Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad xiran, iyadoo Ciidamada amaanka iyo kuwa Booliska lagu arkayo waddooyinka ugu muhiimsan Caasimada Soomaliya.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa la arkayaa iyagaa cagtooda maalaya, maadaama aysan jirin wax gaadiid ah oo Waddooyinka loo ogolyahay.

Sidoo kale waxa jira dhagxaan iyo caro lagu gooyay qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Hay’addaha amaanka ee Dowladda Soomaliya ayaa ku sheegay xirnaanshaha waddooyinka mid lagu xaqiijinayo amaanka maadaama Magaalada Muqdisho ay ka socdaan doorashooyin.

Maanta ayaa waxa lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka lagu doorta Ku Xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka cusub ee Dalka Soomaaliya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo