Muqdisho ( Sh.M.Network)-Waxaa saaka xiran Waddooyinka  Magaalada Muqdisho iyadoona Dadweynaha ay Cagtooda maalayaan.

Dadweynaha ayaa la arkayaa iyagoo raxan raxan u socda islamarkaana Dhex Jibaaxaya Jidadka Muqdisho.

Xirnaashaha Waddooyinka ayaa ku soo beegmaya xilli maanta lagu wado in Xildhibaanada Baarlamaanka ay doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho maadaama mid ka mid ah Masuuliyiinta ugu sarreysa dalka la filayo in maanta la doorto.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here