Muqdisho ( Sh.M.Network)-Garaad Xasan Cilmi oo ka mid ah Waxgaradka deegaanada Galmudug ayaa sheegay  in xilligaan aan loo baahneen in ay is qab qabsadaan Masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

Waxaana uu sheegay in taas bedelkeeda loo baahan yahay in Gargaar la gaarsiiyo dadka Abaaruhu halakeeyeen, si aanu Fowdo Siyaasadeed looga kicin deegaanada uu ka arrimiyo Maamul Goboleedka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayuu Garaadku ka codsaday in ay ka noqdaan kalsooni kala noqoshada Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulan shalay ay ku yeesheen Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Galmudug Magaalada Cadaado ayaa waxa ay ku shaaciyeen in Kalsoonida ay kala laabteen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed , go’aankaas oo uu ka soo horjeestay Guddoonka sare ee Maamulkaasi.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here