Xildhibaan Xidig: Waa in isbadal uu ku yimaado Hogaanka Dalka

0

Muqdisho (Sh M Network)—Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxuu sheegay in loo baahan yahay in isbadal dhab uu ku yimaada Hogaanka Dalka.

Xildhibaankan oo Shalay ku guuldareystay tartanka xilka Guddoonka Sare ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxuu ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka in Hogaanka Dalka ay u doortaan shaqsi cadaallad ku hogaamin kara.

“Waxaa gacanta xubnaha Baarlamaanka ku jira rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed oo ah in isbadal uu ku yimaado Hogaanka Dalka, marka Xildhibaanada waa in ay arintaasi ku dadaalaan”, sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Xidig.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu cod dheer ku sheegay Xildhibaan Xidig in muhiim ay tahay in aysan soo laaban Madaxda Dalka ee talada heysay 4-tii sano ee la soo dhaafay.

Hadalka Xildibaanka ayaa waxuu imaanayaa xili maanta lagu wado in Magaalad Muqdisho lagu qabto doorashada Ku Xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo