Al Shabaab oo ku hanjabay in ay Weeraro ka geysanayaan Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh M Network) — Guddoomiyaha Xarakada Al Shabaab ugu magacaabay Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxuu sheegay in ay Dagaal xoogan la gali doonaan Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxuu sheegay in ay qaadi doonaan Weerar ka dhan ah Xarumaha Dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xoogaga Al Shabaab ayaa ka soo horjeestay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadanaa in Ciidamada AMISOM ay sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya.

Xarakada ayaa xusay in mushruux aan dhamaan uu yahay in la sameeyo dib u dhiska Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayee aheyd markii Ururka Al Shabaab ay ku dhawaaqeen in ay bilaabayaan Dagaal ka dhan ah Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo