Nairobi (Sh M Network)—Madaxweynaha Dowlada Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa waxuu shaaca ka qaaday in guul weyn ay u soo hooyatay Soomaaliya, kadib markii dhawaan doorasho Xalaal ah oo lagu qanci karo ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxuu cod-dheer ku sheegay in Soomaaliya ay marka cagta saartay Waddadii Nabada, waxuuna ku tilmaamay doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo mid soo celisay rajada Umadda Soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlayay Madaxtooyada Dalka Kenya ayaa Madaxweyne Kenyatta waxuu tilmaamay in uu fariin ka helay madaxweynaha cusub ee Dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Faraiintan ayaa sida uu sheegay Madaxweyne Kenyatta waxaa Xafiiskiisa gaarsiiyay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xusay in labada Dowladdood ay ka wada hadleen arimaha Nabada, Amniga iyo xoojinta Xariirka labada Dowladood.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here