Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Danjiraha Mareykanka

0

Muqdisho (Sh M Network) –Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxuu Xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxuu sheegay in Danjiraha Mareykanka Stephan Schwartz uu kala hadlay xoojinta amaanka Magaalada Muqdisho.

Mudane Farmaajo ayaa xusay in kulankooda diirada ay ku saareen wax ka qabashada abaaraha baahsan ee ka jira qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

Dhiniciisa Safiirka Mareykanka, Stephan Schwartz ayaa waxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay la kulanka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxuu shaaca ka qaaday in muhiim ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga jawaabo abaaraha halakeeyay Dad iyo Duunyo ku dhaqan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sikastaba, Dalka Soomaaliya ayaa waxaa jira abaaro xoogan oo saameyn ballaaran ay ku yeesheen Maaliiyoon Qoys, kuwaasi oo haatan u baahan in gurmad deg deg ah lala gaaro.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo