Qaramada Midoobay oo ka digtay in abaaraha Somalia ay sababaan Sicir Barar

0

Rome (Sh M Network)—Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee (FAO) ayaa walaac xoogan ka muujineysa in sare kac xoogan uu ku yimaado Cunnada lagu kala iibsado Suuqayada.

Hay’adda FAO ayaa ka digtay in Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay sababaan sicir barar, maadaama Dadku ay yihiin kuwa aan waxba heysan, una baahan in loo gurmado.

FAO ayaa shaaca ka qaaday in %23 sare u kac uu ku yimid qiimaha la kala siisto cunnada lagu iibiyo Suuqyada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Hay’addan ayaa sidoo kale xustay in dhibaatan mid la mid ah ay ka jirto Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Qaramada Madoobay ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay markan u istaagi doonto sidii ay wax uga qaban la heyd abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo