Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

0

Baledweyne (Sh M Network) – Ugu yaraan labo Ruux ayaa ku dhintay, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Qarax miino uu ka dhacay Degaan u dhow Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa sida la sheegay waxuu ka dhacay Degaanka Gambar-Laabe, halkaasi oo Isbaaro  ay u taallo Maleeshiyaad hubeysan, sida Goobjooge uu u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogahan ayaa waxuu sheegay in labada dhimatay iyo kuwa kale ee Qaraxaasi ku dhaawacmay Qaraxaasi ay ka mid ahaayeen Maleeshiyaadka hubeysan ee halkaasi ku sugan.

Dhinaca kale, Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa durba bilaabay howlgallo baaritaano ah oo ku aadan Qaraxaasi.

Saraakiisha Ciidamada qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in uu jiro Qaraxaasi, islamarkaana ay wadaan baaritaano.

Dhaawaca ka dhashay Qaraxaasi ayaa la soo gaarsiiyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Baladweyne, si xaaladooda caafimaad loo dabiibo.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Degaanka Gambar-Laabe oo qiyaas ahaan 2Km u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo