Al Shabaab oo Xukun Dil ah ku fuliyay mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Baydhabo

0

Awdheegle (Sh M Network)—Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta xukun dil ah ku fuliyay Cismaan Cilmi oo 82 jir ah, kaasi oo ka mid ahaa Ergooyinkii Xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Baydhabo.

Xukunkan dilka ah ayaa waxuu ka dhacay fageero yaalla Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh.hoose, iyadoona ay ka qeyb galeen boqolaal Ruux.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in Ninkan ay ka soo qabteen Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Waxaa ugu dambeyn ay ku hanjabeen in ay sidan oo kale u beegsan doonaan Ergooyinka kale ee Xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Baydhabo.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo