Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo Biyo dhaamin ka sameeyay Balcad.

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko  Safiirkii hore ee Soomaaliya u qaabilsanaa Dalka Kenya kana mid ahaa Musharrixiintii Madaxweyne ee Soomaaliyaa ayaa howlo biyo dhaamin ah ka sameeyay Degmada Balcad.

Mr Ameeriko ayaa Biyo dhaamintaan ka sameeyay Tuulada Walamooy ee degmadaasi Balcad.

Isagoo u warramayay Idaacadda Shabelle ee  Magaalada Muqdisho ayaa waxa Maxamed Cali Ameeriko hoosta ka xariiqay in Biyo dhaamin kaliya aysan haqab tiri kari dadkaasi Soomaaliyeed ee ay haboonaan lahayd in Ceel Biyoodyo loo qodo.

Si kastaba Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa lagu tilmaamaa shaqsi inta badan garab istaaga dadka Danta yar ama ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo