Cali Ameeriko oo biyo gaarsiiyay Qoysas ku nool Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Dhexe

0

Muqdishu (Sh M Network)—Danjirahii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay Dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa maanta gaaray Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Dhexe.

Mr. Cali Ameeriko ayaa safarkan waxaa ku wehliyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah Cabdullaahi sheeq Cali qaloocow.

Danjire Cali Ameeriko ayaa ujeedka uu halkaasi tagay waxaa lagu sheegay in ay aheyd u kuur gelida Xaalada nololeed ee Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Mudane Cali Ameeriko ayaa intaasi kadib waxuu biyo gaarsiiyay qoysas badan oo ku nool Degaanka Wallamooy ee Gobolka Sh.Dhexe.

Degaankan ayaa ka mid ah Degaanada Gobolka Sh.Dhexe oo la sheegayo in ay ka jirto xaalado nololeed maadaama Dalka Soomaaliya ay ku dhufteen abaaro xoogan.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo