Baladweyne ( Sh.M.Network)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in   Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dad shacab ah ku dileen Magaaladaasi.

Ciidamo kuwa Dowladda Federaalka ka tirsan ayaa la sheegay in 2 qof oo Shacab ahaa ay ku dileen Xaafadda Buundo Weyn ee Magaalada Baladweyne.

Shacabka la dilay ayaa la sheegay in ay la murmeen Askartaasi Dowladda Federaalka ka tirsan kadibna Rasaas  ay Ciidamadu huwiyeen.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay labada Askari ee ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Maaha markii ugu horreysayo oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ay dhibaato nuucaani ah u geystaan dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here