Muqdisho ( Sh.M.Network)-Maamulka , Macallimiinta iyo Ardayda Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare ee Hooyga Xamar oo si iskood ah isku xil qaamay ayaa maanta gurmad ballaaran waxa ay gaarsiiyeen Barakacayaasha ku  nool deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare ee Hooyga Xamar Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Shaacir ayaa ka warbixiyay deeqdaasi Raashiin ee maanta ay gaarsiiyeen  Dad beryihii dambe ka soo barakacayay qaar ka mid ah Gobollada Dalka Soomaaliya oo dib u dajin loogu sameeyay Deegaanka Garasbaaleey ee duledka Muqdisho.

Waxaana Agaasimaha Dugsiyada Hoyga Xamar uu ka dhawaajiyay in deeqdaan ay noqoneyso mid bilow ah islamarkaana ay  gurmadyo dheeraad oo sidaan oo kale ay isugu xilqaameen ay gaarsiin doonaan dadkaasi Barakacayaasha ah, waxaana uu ku tartarsiiyay qeybaha Bulsho weynta Soomaaliyeed in gurmadyo nuucaani ah ay lag gaaraan Walaalahooda Tabaaleysan ee Abaaraha uga soo cararay deegaanadii ay ku noolaayeen.

Guddoomiyaha Kaamka Barakacayaasha ee Maamulka , Macallimiinta iyo Ardayda Hoyga Xamar ay maantaa Raashinka ay soo uruuriyeen ka qeybiyeen oo lagu Magacaabo Ardo Yuusuf Maxamed oo iyana Shabelle la hadashay ayaa uga Mahad celisay sida damqashada leh ee Bahda Hoyga Xamar isugu xil qaameen garab istaaga walaalahooda.

Macallin Cabdiqaadir Cabdi Maxamed oo ka mid ah Macallimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare ee Hoyga Xamar ayaa isaguna goobta Mucaawinaadaasi ay ka qeybiyeen ka sheegay in gargaarkaasi uu ahaa mid ay iska soo uruuriyeen Ardayda wax ka barata Dugsiyada Hooyga Xamar, islamarkaama Macallimiinta iyo Maamulka Dugsiyada Hoyga Xamar u soo wakiisheen in ay u qeybiyaan Walaalahooda Soomaaliyeed , waxaana uu ugu baaqay baarakacayaasha in alle ay talo saartaan maadaama aysan gacan beni’aadan kaafin Karin.

Deeqdaan Gargaar ee maanta Ardayda, Macallimiinta iyo Maamulka Dugsiyada Hoyga Xamar ay la gaareen Walaalahooda ka soo barakacay qaar ka mid ah Gobollada Dalka ayaa waxaa uruurinteeda isku soo duba riday islamarkaana qeybinteeda si weyn u qaabeeyay Guddi Maamul oo Ardayda Hoyga Xamar ay leeyihiin oo uu hormuud u yahay Ardayga lagu Magacaabo Saciid Cumar.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here