Muqdisho ( Sh.M.Network)-Dableey hubeysan oo loo maleynayo in ay yihiin Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalamayaashaasi ay weerarka uga soo qaadeen dhinaca Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, islamarkaana ay ku hubeysnaayeen Hub kala duwan sida qoryaha daran dooriga u dhaca iyo Garneelada Garabka laga rido.

Walow xilli habeen ah uu dhacay weerarka hadana waxaa la soo warinayaa in uu ka dhashay khasaaro aan la cayimin.

Weerarka kadib ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay billaabeen howlgallo xoogan oo aan la ogeyn dadka lagu soo qab qabtay.

Al Shabaab ayaa sii xoojiyay weerarada ay ka fuliyaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho tan iyo markii ay curatay Dowladda Cusub ee Soomaaliya.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here