Galmudug oo Maxaabiis ku wareejisay Maamulka Puntland

0

Gaalkacyo ( Sh.M.Network)-Maamulka Galmudug ayaa maanta Maxaabiis waxa ay ku wareejiyeen Maamulka kale ee Puntland.

Maxaabiistaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen Rag falal dhac ah ka geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo Puntland ay ka arrimiso.

Taliyaha qeybta Booliska Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay Tallaabadaas Galmudug ay Maxaabiistaas ugu soo wareejiyeen tahay Guul la taaban karo.

Waxaana Taliyuhu ku nuux nuuxsaday in  dhankooda ay sidaas oo kale ula shaqeyn doonaan Galmudug.

Xiriirka Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa muddooyinkii dambe soo ka soo reynayay, kadib in muddo xiisado hareeyay labadaasi Maamul.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo