Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Maxkamadda Degmada Xamarweyne

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf  Xuseen Jimcaale Madaale ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Waxaana Munaasabadda sidoo kale ka qeyb galay Masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Sheekh Saalax , qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Xamar Weyne.

“ Xamar Weyne waa Degmadii ugu horreysay oo uu soo gaaray Adeega Garsoorka Dalka , maanta wixii ka dambeeyo Maxkamadda waa noo furantahay ee ha ka shaqeyso Cadaaladda” ayuu yiri duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Si kastaba Shacabka ku nool degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay howlgalinta Maxkamadda degmadaasi oo ay uga Mahad celiyeen Maamulka Gobolka Banaadir.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo