Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Magaalada Jowhar

0

Jowhar ( Sh.M.Network)-Kadib Qaraxyo Bambaano oo xalay ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa lagu soow warramayaa in howlgallo ay Ciidamada Ammaanka Magaaladaasi ka sameeyeen halkaas.

Howlgallada ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay Tobaan qof oo dhalinyaro u badan kuwaas oo Saraakiisha Ammaanku sheegeen in ay baaritaanno ku hayaan.

Qaraxyadii xalay ayaa la sheegay in lagu weeraray Saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay 2 Askari iyadoona ay ka gaabsadeen Saraakiisha Amnigu in ay ka bixiyaan faah faahin intaasi dheer marka laga reebo howlgallada dadka ay ku soo qab qabteen.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo